Published On: Thu, Aug 15th, 2019

Guddiga Dib-u-heshiisiinta Galmudug Oo Maanta Kormeeray Xarunta Shirka Lagu Qabanayo Iyo Deegaanka Ergada Shirka Ka Qeyb Geleysa.



Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow iyo Xubnaha kale eeĀ  guddiga ayaa maanta kormeeray xarunta loogu tala galay in uu ka dhaco shir-weynaha dib-u-heshiisiinta iyo goobaha ay degayaan ergada ka qayb geleysa shirka.

Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa sheegay in lasoo gebagebeeyay diyaar garowga shirka ayna diyaar yihiin dhammaan waxyaabaha aasaasiga ah ee ku xeernaa shirka, dhammaan dhinacya shirka ka qeyb geli lahaana ay liiska ergada u soo direen guddiga.

Guddoomiyaha guddiga ayaa caddeeyay in ay dhimantahahay oo kali ah in ergada la keeno magaalada Dhuusamareeb si 17-ka bisha uu u si rasmi ah u furmo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>